Taariikhda Madow ee Dr. Cabdiweli Gaas

imageWaa kuma Dr. C/weli Gaas?

Cabdiweli Gaas waxaa lagu eedeyaa inuu yahay masiibo qarsoon Muuqaalka korena uu ugu egyahay Qof daacad ah laakiin daaha gadaashiisa Soomaaliya ka qasa, waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ah in Sheekh Shariif uu soo dhaweysto C/weli oo cay la daba taagnaa Sheikh Shariif xilligii C/llahi Yusuf, taasi oo ay Rag badan ku sifeeyeen in Sheekh Shariif uusan aragti fog lahayn, C/weli wuxuu soo bartay cilmiga Dhaqaalaha wuxuu Soomaaliya ra’sulwasaare ka ahaa June 2011 ilaa October 2012 bal aan eegno wixii Soomaaliya ka dhacay intii uu xukunka hayey.

Xag Dhaqaale Bankiga oo dhowr Milyan oo Doolar uu Farmaajo uga tagay ayuu C/weli yimid (Eeg Farmaajo oo arrintaas qiraya Video-ga Tartankii madaxnimada Soomaaliya), C/weli markii uu xilka ka tagayeyna Wasaarad kasta deyn ayaa lagu lahaa, Bankiguna Shilin ma oollin, dowladda Xasan Shiikh ayaa qirtay arrintaas, habayaraatee ma cadda sidii loo maamulay Lacagahii soo galay Soomaaliya xilligiisi.

image

UN Monitoring-ka waxay ku eedeeyeen xilligii C/weli in Lacago badan la lunsaday oo C/weli Lacagta uu sheegay in ay Bankiga soo gashay oo la diiwaan geliyay ay ka yar tahay Lacagta uu Wasiirkiisii Maaliyadda sheegay “The Monitoring Group has confirmed that the UAE donated US $10,000,000 to the Farmaajo administration and US$5,000,000 to the Abdiweli administration.27 Lastly, TFG PM Abdiweli Ali informed the SEMG that the US$15 million from the UAE had been wrongly reported. He noted that in 2011 the Farmaajo Administration had received US$10,000,000 from the UAE, but only deposited US$6,500,000 to the Central Bank, and that his administration had received US$5,000,000, which was entirely deposited into the Central Bank account.28 The SEMG could not reach the Central Bank to confirm these claims and the Prime Minister could not understand why his Ministry of Finance had reported a higher amount than that registered by the Central Bank of Somalia” eeg warbixintooda 2012 bogga 39, xagga Amniga wuxuu Xukunka qabtay iyadoo Xamar laga xoreeyey Al-Shabaab marka laga reebo Huruwaa iyo Dayniile markuu ka dagayeyna waxaa la joogay Afgooye waa muddo sanad iyo 4 bilood ah, waxaa lagu eedeeyey C/weli inuu amar ku bixiyey birihii yaallay dekedda muqdisho in loo raro dhinaca Puntland!

Arrintaas oo fadeexad noqotay, C/weli Gaas waa ninka kariyey oo bisleeyey musiibada hadda ka taagan Jubbooyinka, wuxuu oggolaaday in Beelaha Absame, Sade iyo Harti kaliya ay ka tashadaan arrimaha Jubbooyinka oo laga tago Qabaa’ilka kale ee Soomaaliyeed ee deegaanka rasmiga u leh Jubbooyinka, wuxuu Shirarka Kooxdaan hoos uga dirsan Jiray (inuu dowladda Soomaaliya u matalo) Wasiiru dowlihii arrimaha gudaha ee dowladdiisa Maxamed Maxamuud Aadan (Indha Geelle) oo isna ku reer ah qabaa’ilka awalba meesha ku tashanayey isagoo meesha ka saaray oo talo iyo inuu dowr ku yeesho u diiday Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee waagaas C/samad Macallin Maxamuud, waa ninka lagu eedeeyey in uu si qarsoodi ah ula heshiiyey in ay ciidamada Kenya amar la’aan dalka Soomaaliya soo galaan iyagoo gacan siinaya Ururka xag jirka ee Raaskaanbooni iyadoo Madaxweynihii iyo Baarlamaankii dalka aysan ogeyn, si maamul xaraan ah oo sida Puntland oo kale laf dhuungashay ku noqdo dowladda Soomaaliya, looga dhoodhoobo meesha.

C/weli Gaas waa Ninka ansixiyey degmooyin uu isagu reerkiisa u magacaabay ee haddana diiday degmooyin magaalada Garowe ka facweyn oo uu shiikh Shariif magacaabay, waa ninka bisleeyey dastuurkan macmalka ah ee lagu jaangooyey danaha Puntland ee loo diiday in cid ay wax ka bedesho sidii inuu yahay Qur’aan.

Waa Ninka maamulka Axmed Madoobe ee Dastuurka khilaafsan Shanta qaaradood uga ololeynaya in la aqoonsado, waa ninka afkiisa ka qirtay inuu Puntland sed bursi dheeri oo aysan xaq u lahayn ka siiyey wixii Soomaaliya loogu deeqay, waa Ninka lagu tuhunsan yahay inuu hay’adaha UN-ka Soomaaliya ka dhaadhiciyey inay xarun ka sameystaan Garowe halkii Xamar ay imaan lahaayeen oo saamiga deeqaha Soomaaliya 3 meelood qeyb ahaan laga siiyo Puntland sidii iyadoo shacabka Puntland ku nool ay tiradoodu dhan tahay 3 qaybood oo qayb ahaan tirada dadka Soomaaliya, C/weli waa Ninka Shirarkii Xaalamiga ahaa ee ay Dowladda Federaalka ah ka qayb geli lahayd u oggolaaday in ay Puntland ka qayb gasho sidii iyadoo Puntland ay Soomaali oo dhan matasho.

Sawirka waa Shir Waxbarashada Africa looga hadlayey oo ka dhacay Gaana kaasoo la rabay in ay Dowladda Federaalka ka qaybgasho laakiin Puntland ayuu C/weli u gartay inay matasho Soomaaliya, xaalku sow uma eka ninka musanbiigga ah inuu la yaaban yahay Soomaalida ay Puntland Shirka u matalayso! Halkan ka eeg warqadda si dadban loogu oggolaaday in ay puntland ka qayb gasho shirkaas iyadoo la sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dhiirrigelinayso maamul goboleedyada ( yacni Puntland sababtoo ah maamulladii kale sida Galmudug kama qayb gelin) ay dowrkooda ciyaaraan (sida ka qaybgalka shirkan oo kale).

Waxaa Warqadda qoray July 2012 Wasiirkii Waxbarashada ee C/weli Gaas Axmed Ceydiid waxayna si toos ah ugu socotay Global Partnership for Education (GPE) iyadoo Warqadda qaybteeda hore lagu codsaday in ay Soomaaliya ururkaas member ka noqoto ayaa markii la oggolaaday halkii ay dowladda Federaalka ah ka qayb geli lahayd oo faa’idooyinka ka soo baxana ay gobollada Soomaaliya oo dhan ugu qaybin lahayd ayaa la oggolaaday in ay Puntland ka qayb gasho shirka oo faa’idooyinka shirkana kaligeed qaadato sida ka muuqato hadalka soo socda ee ay puntland qortay!

Sawirka waxaan ka soo qaatay maamulka Puntland Websiteyadiisa midkood, laakiin warqadda waxaan ka helay meel kale. Bal Akhyaareey warka soo socda ee ay Puntland ku qortay website-yadeeda dhuuxa ka bacdi C/weli Gaas go’aan ka gaara:

Magaaladda Accra ee wadanka Ghana waxaa lagu qabtay shirwayne 25 ilaa 27 September 2012 kaas oo ay isugu yimaadeen in ka badan 25 wadan oo Africaan ah, kuwaas oo xubna ka ah urur waynaha lagu magacaabo Global Partnership for Education (GPE)…..Shirkaas waxaa Puntland uga qayb-galay wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashadda Mr. Maxamed C/wahab Axmed. Faaiidooyinka shirkaas uga soo hoyday Puntland waxaa ka mid ah:

In Puntland laga caawiyo mushaaraadka macalimiinta dugsiyada hoose dhexe
In laga caawiyo tababarka, tayaynta macalimiinta iyo hagaajinta maamulkoodaba
In laga caawiyo horumarinta wxbarashada gabdhaha ardayda ah iyo kuwa macalimiinta ahba
In Puntland laga caawiyo dib u fiirinta iyo horumarinta qorshaha waxbarasho ee 5 sano 2012-2017)

Bal u fiirsada faa’idooyinka Shirka ka soo baxay maxaa Dowladda federaalka ka soo gaaray? Wixii manfac ahaa ee shirka ka soo baxay waxaa qaatay Puntland oo dowladdii federaalka ahayd matashay bal Soomaalida kale Puntland wakiillo matala ma ku leeyihiin sida ay Puntland wakiilo matala ugu leedahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, C/weli Gaas sidaas ayuu Phd ku haystaa oo uu maamul aqoon ku yahay!

C/weli waa Ninka kibriyey Faroole ee Dowladda Federaalka ka dhigay mid laga hago Garowe, C/weli oo 70% dhibaatada manta haysata dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay xilligiisi abuurantay xal Malaga sugayaa akhyaarey?

Qoraalkaan waxaa la Qoray 20 Luulyo ee Sanadkii 2013

Source: http://africorruption.wordpress.com/2012/01/29/waxaan-sameeyay-gudi-la-dagaalanka-musuqmaasuqa-balse-xafiiskeygu-kuma-jiro/

image Warqad furan oo ku socota Ra’isal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed

Dhambaal xambaarsan talo soo jeedin oo si toos ah ugu sacota Ra’isal wasaaraha Soomaaliya, mudane Cabdiweli Sh. Axmed

Mudane Ra’isal wasaare, Marka koowaad iga guddoon salaan diiran oo kal iyo laab ah, salaan kaddib, waxaan Ilaah kaaga baryayaa in uu kuu fududeeyo xilka culus ee aad dusha u ridatay, marka labaadna, waxaan kuu sheegayaa in magacaabistaadii Ra’isal wasaare-nimo ay igu reebtay dareen isku dhaf ah (mixed feeling), taasoo aan oran karo waxay saameyn ku reebtay qaab qoraalkeyga, qaab u fekerkeyga, iyo xataa wadaniyadeyda (my patriotism) ee ku wajahan waxii aan ka dhihi lahaa Ra’isal wasaare ay soo magacowday dowlad u muuqata in ay tahay fawdo aanan ku dhaqmeyn sharciga dalka u yaala oo markii ay rabto Ra’isal wasaaraha howlgab ka dhigeysa, markii ay rabtana sabab la’aan shaqada ka ceyrineysa!

Mudane Ra’isal wasaare, Si la mid ah dareenka ay in badan oo Soomaali ah qabaan, marka la eego CV-gaaga, shaki kuma jiro in aad tahay shaqsi leh aqoon iyo khibrad uu waqtigaan adag Soomaaliya ku hogaamin karo oo mudan in magacaabistiisa lagu farxo lana soo dhaweeyo, balse, maadaama ay caado noqotay in madaxweynaha markaas xilka haya iyo sharci-dejiyaasha dalka (Xildhibaano) ayaga oo sharciga dalka u yaala ku tumanaya, danahooda gaarka ahna eeganaya ay mar kasta si sharaf daro ah shaqada uga ceyriyaan Ra’isal wasaare kasta oo ay Soomaaliya yeelato, ayaa markii arrinka dhankaas laga eegana waxay magacaabistaada igu dhalisay tallan (dilemma) oo ah in aan wax kale iskaba daaye mustaqbalkaaga u baqo iyo in ay kugu dhacdo fool-xumadii horay ugu dhacday Ra’isal wasaare-yaashii kaa horeeyay ee sida sharci darada ah ayaga oo xilkooda gudanaya shaqada looga ceyriyay.

Mudane Ra’isal wasaare, Kaddib markii aan waqti dheer ka dhur sugayay bal waxa uu noqon doono mustaqbalka dadkeyga iyo dalkeyga hooyo, aniga oo isla markaana mar walba rajo fiican ka qabay dowlad kasta oo timaada in ay wax weyn ka qaban doonto soo celinta amnigii faraha ka baxay, dhisidda sharci lagu kala danbeeyo iyo horumarinta mashaariic wax tar u leh umadda Soomaaliyeed, ayaa nasiib daro, ku dhawaad rubuc Qarni (half a century) bur-burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya kaddib maanta ay Soomaaliya ku sugan tahay marxalad quus iyo aragax ku reebeysa muwaadin kasta oo Soomaali ah oo jecel dadkiisa iyo dalkiisa, waana aragatidaas iyo masawirkaas foosha xun ee Soomaaliya ka muuqda waxa igu beeray in aan goor hore si fudud wax uga soo qori waayo magacaabista xilka Ra’isal wasaaraha ee lagoo magacaabay.

Run ahaantii, dhibka maanta Soomaaliya haysta ma ahan mid ugub ah, balse waxaa jira wadamo badan oo sideena oo kale soo maray duruufo ad-adag qarniyo kala duwan, kuwaasoo wajiyo kala gedisan lahaa.

Sida sooyaal taariikheedka ku cad, dhamaan wadamadii duruufahaas ad-adag soo maray waxaa kasoo saaray hogaamiye isku darsaday daacadnimo, geesinimo, ad-adeyg iyo wadaniyad ay ku dheehan tahay aragti hufan (vision), taasoo aakhirkii wadamadaas dhaxalsiiyay in ay maanta dhanka horumarka dhaqaalaha, aqoonta, teknolojiyada, daryeelka arrimaha bulshada, ciidamada iyo hogaamin wanaagga adduunka uga jira safka hore, dadyowgoodana ay ku naaloonayaan noolal fiican iyo amni la’isku haleyn karo.

Waxa aan kugula talinaayo iyo sida aan u arko xalka Soomaaliya

Mudane Ra’isal wasaare, Si ay Soomaaliya uga baxdo caqabadda adag ee ay ku jirto, loo helo midnimo umadda Soomaaliyeed, adna uu magacaaga ugu qormo baal dahab ah, waxaan kugula talinayaa in aadan lumin fursadda qaaliga ah ee aad haysato, isla markaana aad ku dhaqaaqdo hergelinta qodobada soo socda oo aan u arko in ay yihiin kuwo ay ku dhici waayeen mas’uuliyiintii adiga kaa horeeyay, qodabadaasna waxay kala yihiin:

I)- Dib u heshiin iyo dib u dejin

Dadka Soomaaliyeed meel uu joogaba waxaa dhex maray dagaal ahli ah (civil war), waxaana qabaa in talaabada meesha ka maqan oo aanan ilaa iyo hadda la’is weydiin ay tahay “maxaa keenay in ay Soomaalida dagaalanto? Haddiise la dagaalamay, maloo baahan yahay in dadka la’isugu yeero oo dib u heshiisiin loo sameeyo, kaddib markii la heshiiyo oo la’isu celiyo waxii hanti ahaa ee la kala dhacay ama la kala qabsaday, waa in dib u dajin loo sameeyo qaxootiga faraha badan ee adduunka ku kala firarsan. Talaabadaas waa muhiim sida aan isleeyay, mana garanayo ilaa iyo hadda waxa dowlad kasta oo timaadaba ay uga meer-meereyso fulinteeda!

II)- Xoreynta Soomaaliya

Marka dhan walba laga eego, waxaa muuqata in uusan dalka Soomaaliya waqtigaan la joogo xor aheyn ee waxaan qabaa in aad ka howl gasho sidii loo xoreyn lahaa. Meelaha u baahan in dalka laga xoreeyo waxaa ka mid ah:

A- Guddoomiye-yaasha gobolada iyo degmooyinka ku teedsan xuduudda uu dalku la leeyahay labada dowladood ee deriska ah waa horay xarko goosteen oo meelo kale ayaa looga taliyaa oo ay ka amar qaataan ee waa in farsamadaad doontaba u adeegsee aad kusoo xirtaa wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya.

B- Bur-burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya kaddib, dadka Soomaaliyeed waxaa ka lumay qabkii iyo wadaniyaddii ay waa lahaayeen ee waa in la sameeyo Hay’ad wacyi galineed oo bulshada wadaniyadeeda, qalbigeeda, maskaxdeeda, caqiidadeeda, sharafateeda, qabkeeda, karaamadeeda iyo  sharafateeda dib u soo nooleysa.

C- Waa in wada hadal lala furo mucaaradka hubeysan, lana helo farsamo lagu soo afjarayo dagaalka daba dheeraaday ee u dhaxeeya Soomaalida dhexdeeda.

III)- Sii wadid wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland

Si dalka looga saaro jahawareerka siyaasadeed ee uu ku jiro, midnimadii Jamhuuriyaddii Soomaaliyana ay usoo noqoto, waxaa loo baahan yahay in lasii wado wadahadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland, waana in wada hadalkaas iyo dib u heshiisiintaas loo maro abuuris shuruuc tiirar adag ku taagan oo ay dib ugu midoobi karaan labadii Jamhuuriyadood ee midoobay July 1, 1960, si aan habooneyna u kala tagay wixii ka danbeeyay sanaddii 1990-kii.

IV)- In la dhameystiro sharciga qabyada ah 

Maadaama sharciga hadda dalka Soomaaliya u yaala uu yahay mid qabyo ah, waxaa lagama maarmaan ah in dhaqsiyo loo guda galo dhameystirkiisa, haddii kale, afarta sano ee xukuumadda hadda jirta loo qabtay in ay shaqeyso waxay ku dhamaan doontaa sharcigaas oo qabyo ah, haddii ay taas dhacdana waxaan ka wal-walayaa sidii la’isu waafajin lahaa qabsoomidda doorashooyinka dhici doona sanadka 2016 iyo dastuurka qabyada ah oo horay loo sheegay in la dhameys tiri doono inta lagu guda jiro afarta sano ee ay xukuumadani jireyso.

V)- Cadeyn ama qeexid shaqooyinka ay kala leeyihiin madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha 

In kasta oo sida aan qabo uu sharciga Soomaaliya kala qeexayo shaqooyinka ay kala leeyihiin madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha Soomaaliya, haddana maadaama ay marar badan soo noq-noqotay cudur bixi waayay oo ah in mar kasta la arko madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha oo qoorta iskula jira, si mushkiladaas hari weysay ee dadka Soomaaliyeed qalbi jabka ku riday, magaca iyo sumcadda Soomaaliyeedna dilay meesha looga saaro, waxaa haboon in sharciga dib loogu noqdo, si fiicana sharciga dib loogu qeexo shaqooyinka ay kala leeyihiin madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha Soomaaliya.

VI)- In sharci laga soo saaro xildhibaankii jebiya sharciga dalka u yaala ama ku kaca fal anshax xumo ah

Marar badan waxaa dhagaha umadda Soomaaliyeed maqlaan, waxaa socda dagaal siyaasadeed oo u dhaxeeya madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha, ama waxaa jirta kala xod-xodasho hoose iyo xildhibaanada oo lacago laaluush ah la siinayo si ay qofkii lacag badan siiya u taageeraan!

Mudane Ra’isal wasaare, Qaab u dhaqankaan xildhibaanada ee ku saleysan “maxaa kaa galay dowlad iyo cadaalad, maad laaluushkaaga iska guratid” qatarteeda ayay leedahay. Soomaalidu waxay tiraahdaa “Ruqo uu ninkii lahaa gadaal uga fadhiyo ma kacdo!”. Waa la yaabe, dal sharci dajiye-yaashiisii sidaas u dhaqmayaan maxaa laga filan karaa?

Mudane Ra’isal wasaare, Anigu waxaan qabaa in dib loogu noqdo sharciga dalka u yaala, laguna daro in xildhibaankii lagu arko ama lagu tuhmo laaluush qaadasho iyo ku kicis fal danbiyeed liddi ku ah qaranimada Soomaaliya talaabo cad oo aan naxariis laheyn laga qaado, haddii kale, koley anigu ma garanayo halka ay gaareyso qaranimada wadan ay xildhibaanadiisii sidaas u dhaqmayaan ayada oo aanay jirin sharci qabanayo oo ay ka baqayaan!

VII)- Bur-burinta nidaamka Federaalka iyo kan ku dhisan saami qeybsiga awood dowladeedka qabiilka ee 4.5

Sida aan qabo, labadaan nimaad ee Federaalka (Federalism) iyo kan ay Soomaalida u adeegsato awood qeyabsiga dowladda ee ku dhisan qabiilka ee 4.5 (tribal power sharing), midkoodna Soomaaliya faa’iido uma lahan ee waxaa loo baahan yahay in la bur-buriyo.

Mudane Ra’isal wasaare, Waan hubaa in aad si fiican uga warqabto oo aad ogtahay in nidaamka Federaalka dowladaha ku dhaqma caalamka ay tiradooda aad u yartahay, ayada oo sababta ay u doorteen kuwa ku dhaqmana ay tahay ayada oo wadamadooda ay ku dhaqan yihiin qowmiyado ku kala gedisan dhinacyada luuqadda, dhaqanka iyo diinta, balse, nasiib wanaag, dadka Soomaaliyeed waa dad tiro ahaan aad u yar oo haddana ku dhaqan dhul qani ah oo ay baaxaddiisu weyn tahay, isla markaana aanay jirin wax farqi ah oo ku kala dhex jira haba yaraatee oo aan qabiilka baas ee lagu saladay ka aheyn.

Sidaas awgeed, waxaan qabaa in dalka loo helo farsamo wanaagsan oo la’isugu keeni karo ama lagu dhaqi karo oo aanan ka aheyn Federaaal iyo 4.5, haddii kale oo laga dhago adeygo in nidaamyadaan qariban meesha laga saarana, waxaa dhici doonta in aanan marnaba xal waara loo helin sidii dalka iyo dadka kala go’go’ay la’isugu soo celin lahaa, ayada oo dhanka kalena lagaba yaabo in ay dib usoo cusboonaadaan dagaaladii sokeeye ee laga soo gudbay.

Ugu danbeyntii, mudane Ra’isal wasaare;  Soomaalidu waxay tiraahdaa “waari meyside war hakaa haro” ee inta ay goori goor tahay oo aad fursadaan Ra’isal wasaare-nimada haysato la imow hab qorsheed hufan oo waxtar u noqon kara umadda Soomaaliyeed, adigana mustaqbalka lagugu xasuusan karo, haddiise aad maanta oo ay umadda Soomaaliyeed dhib weyn qabto una baahan tahay nin geesi ah oo ka gudbiya caqabadaha ad-adag ee ku hor gudban u hiilin weyso, la soco in laga yaabo in laguula dhaqmo si la mid ah sidii loola dhaqmay Ra’isal wasaare-yaashii kaa horeeyay oo ayaga oo aanan wax danbi ah galin howshoodana wata shaqada si xushmad daro ah looga ceyriyay!

Dhambaalkaan waxaa Ra’isal wasaaraha u diray:

C/wali Gaas oo ku fashilmay Siyaasada kadib markii uu la soo baxay dhaqamo aan xitta lagu arag hogaamiye kooxeedyadii burburiyey dalka‏

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa dhawaanahan la soobaxay dhaqamo aan hori loogu arag Siyaasiyiinta iyo Madaxda Soomaalida, kuwaas oo xittaa aan horay loogu arag Qabqablayaashii dagaalka xilli Cabdiwali laga filaayey in uu gacan ka geysan doono dhismaha qaran Soomaaliyeed oo mid ah, Islamarkaana degan.

Habdhaqanadan lala yaabay ee uu la soo baxay Cabdiwali , ayaa niyad jab badan ku riday dad badan oo Soomaaliyeed oo aan Aniguba ka mid ahay, Kuwaas oo runtii ku hanweynaa Cabdiwali maadaama uu yahay nin mutacalim ah, islamarkaana horey u soo qabtay jagooyin sar sare sida wasiir,ra’isulwasaare iyo u tartamid madaxweyne.

Bal inta aanan sheegin dhaqamada lala yaabay ee uu Cabdiwali la soo baxay, aan marka hore sheego sida loo arkaayey Isaga. Dad badan oo Soomaaliyeed, ayaa u arkaayey Cabdiwali in uu yahay Shaqsi aqoonyahan oo wax ka badbaadin kara dalkan qarka u saaran in uu u kala go go’o gobolo yar yar oo ay kor ka maamulaan dowladaha ah dariska sida Itoobiya oo kale.

Maadaama uu Cabdiwali horay u soo qabtay xilal sar sare sida ra’isulwasaare oo kale, Islamarkaana uu leeyahay aqoon fiican, Waxa ay Shacabka Soomaaliyeed ka filaayeen, in uu u istaagi doon sidii la isugu keeni lahaa Bulshadan kala irdhowday, Islamarkaana loo dhisi lahaa qaran Soomaaliyeed oo mid ah. tusaale ahaan, dad badan ayaa ku farxay markii Cabdiwali loo doortay Madaxtweyninimada Puntland, Iyagoo markaasi u arkaayey in uu Cabdiwali wax ka qaban doono xiriirka aan fiicneyn u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland..

Dadkani, ayaa aaminsanaa in aqoonta iyo xilalka sar sare ee uu Cabdiwali soo qabtay ay abuuri doonto xiriir wanaaagsan oo mar kale dhexmara Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland laakiin nasiibdaro, waxaad moodda in uu xaalkuba ka daray sidii hore oo, uusan Cabdiwaliba wax badan ka duwaneyn Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan faroole. Sow ma’ahan Jug jug meeshaada jog.

Waxa ay sidoo kale dadku ka filayeen Cabdiwali in uu gacan ka geysan doono, sidii miis la isugu keeni lahaa Dowladda Federaalka iyo Maamulada kale ee dalka ka jira, si loo helo wadashaqeyn guud oo horseedda in laga baxo dhibaatadan dabadheeraatay. Dhan ka kale, waxaa looga fadhiyey aqoonyahankeenna in uu wax ka qaban doono cabashooyinka iyo cadaaladarada ka dhex jirta Maamulka Puntland, taas oo runtii keeni karta hadaanan la xalinin in ay dhaawacanto midnimada iyo wadajirka Puntland.

Halkii Cabdiwali laga sugaayey, in uu wax ka qabto dhamaan arimahii aan soo xusay, Waxa uu doortay in uu sii xumeeyo xiriirkii awalba xumaa ee ka dhaxeeyey Dowladda Federaala iyo Maamulka Puntland tusaale ahaan, marna iskuma dayin in uu Muqdisho tago si loo dhiso xiriir cusub oo dhexmara Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland halku uu dhowr jeer isaga daba noqday Magaalada Adis Ababa,taas oo ah runtii wax lala yaabo.

Tusaale ahaan markii la doortay, waxa uu safaro dhowr ah ku tagay dalal ay ka mid yihiin Itoobiya Jabuuti iyo Yeman,kuwaas oo uu la soo galay heshiisyo kala duwan, Isagoo og in ay taasu tahay sharcidaro, waayo Dowladda Dhexe oo kaliya ayaa awood u leh in ay gasho heshiisyo ceynkaasi oo kale ah. Hadaan si kale u iraahdo, Cabdiwali waxaa uu laba jibaarey dhaqan-xumadii ay caanka ku ahaayeen Maamul Goboleedyada dalka ka jira sida Somaliland iyo Jubaland oo kale,Kuwaas oo runtii lagu wareeray dalka ay ka tirsan yihiin. Haddii aqoonyahankii uu sidan u dhaqmayo maxaa laga filan karaa kuwa kale ?
.
Waxaasi oo dhan waxaa ka daray, jawaabtii uu Cabdiwali ka bixiyey, heshiiskii dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland, Heshiiskaas oo qodobadiisa qaar ay tilmaamayeen in Hargeyso ay noqoneyso xarunta laga maamulo hawada dalka,taas oo runtii ah fikrad wanaagsan balse uu Cabdiwali ka horyimid. mar la weydiiyey waxa ku jaban arinkaasi, Waxa uu ku jawaabay aqoonyahankii in xaruntaasi loo soo raro Garoowe mar haddiiba laga wareejinayo Muqdisho.Hadaba su’aasha meesha taalaa waxaa weeye, Hargeysa Iyadu Soomaaliya ma’ahan miya, Maxayse ku kala duwan yihiin Hargeysa iyo Garoowe ?

Sow ceeb kuma ahan Cabdiwali in uu hadalkaasi ka soo baxo, Isgoo waliba soo qabtay jagada ra’isulwasaare, Islamarkaana u soo tartamay madaxweyninimo ? Runtii, waa wax aad loola yaabo in uu hadalkaasi ka soo baxo shaqsi aqoonyahan ah, islamarkaana soo qabtay mid ka mid ah xilalka ugu muhiimsan ee dalka. Aqooney warkaa ba’ .Ma laga yaabaa in uu Cabdiwali mar kale u tartamo madaxweyninimo ? waa laga yaabaa ileen xishood ma jiree.

Midda kale, sow ceeb kuma ahan Isagoo aqoonyahan ah in uu u dhaqmo sida hogaamiye kooxeedyadii Juhalada ahaa ee wareegi jiray caasimadaha dalalka dariska ah, tusaale ahaan waxaan xasuustaa mar uu la haa, waxaan dooneynaa inaan Safaarad ka furano dalka Yeman. yaah umad uu Aqoonyahankeedi sidan yahay maxaa laga filan karaa juhaladeeda ? Walaahi Anigu waan yaabay,war aaway dadkan damiirkooda.

Dhinaca kale, waxaa wax lala yaabo ah in Cabdiwali uu isku dayaayo in uu Puntland hoos geeyo Itoobiya, taas oo runtii sharaf dhac ku ah guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku dhaqan deegaanadaasi oo runtii lagu tiriyo dadka ugu qabka badan dadka Soomaaliyeed. Midda kale, maxaa loogu cayaarayaa Sharafta iyo Karaamada Umadda ? Ma sharfbaa in kabo-qaad la noqdo !

Anigu, runtii igama ahan qormadan inaan ceebeynayo Cabdiwali iyo ragga la midka ah, ee waxa ay iga tahay naseexo iyo baraarujin, waayo waa wax loo baahan yahay inaad saxdo walaalkaa marka uu qaldamo. tusaale ahaan, waan ka xumaaday markii uu Cabdiwali ka horyimid in Hargeysa laga maamulo hawada dalka, waayo Hargeysa waa Magaalo Soomaaliyeed oo la mid ah Magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe.

Runtii,Cabdiwali waa uu ku ceeboobay Shacabka Soomaaliyeed hortiisa, maxaa yeelay waxaa laga filaayey wax badan oo wanaagsan maadaama uu horay u soo qabtay mid ka mid ah xilalka ugu muhiimsan ee dalka, Islamarkaana uu yahay aqoonyahan lagu hanweynaa. tusaale ahaan,Waxa laga filaayey in shaqeyn doono midnimada iyo wadajirka dalka iyo waliba isku keenista Bulshadan kala irdhowday si loo soo afjaro colaadan dabadheeraatay.

Gaba gabadii, waxaan leeeyahay Cabdiwaliyow wax ka badal dhaqankan, si aad u soo ceshato kalsoonidii ay kugu qabeen Shacabka Soomaaliyeed haddii kale, waxa aad gali doonta liiska lagu qoro dhagarqabayaashii baa’biyey dalkan ee u horseeday burburkan. Ugu danbeytii, waxaan leeyahay aqoontaadu ha noqoto mid keenta midnimada iyo wadajir Soomaaliyeed si looga baxo dhibaatadan dabadheeraatay.

Xisbiga Xuriyadda

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s